Golaha guurtida ee Kenya ayaa soo diyaariyay ajandeyaal ka kooban 14 qodob oo lagu falanqeyn doono inta lagu guda jiro kal-fadhiyada gaarka ah ee loo qorsheeyay in dhacaan maalmaha Talaadada iyo Arbacada ee toddobaadka dambe.
Waxyaabaha ugu horreeya ay ka doodi doonaan mudanayaasha aqalka sare ayaa waxaa ka mid ah dood ku saabsan siyaasadda miisaaniyadda sanadka 2022-da ilaa 2023-ka
Ogeysiis lagu daabacay mid ka mid wargeysyada dalka kasoo baxa ayaa afhayeenka aqalka sare ee dalka Ken Lusaka u dib ugu yeeray senatarrada golaha guurtida ee fasaxa ku maqan si ay uga doodaan sharciyo muhiim ah oo horyaalla golahaasi.
Arrimaha kale ee horyaalla golaha guurtida ayaa waxaa ka mid ah, warbixinta guddiga joogtada ah ee shaqada iyo daryeelka bulshada ee ku saabsan xaaladda garoonka cusub ee Dandora ee magaalada Nairobi, sharciga luuqadda ishaarada ee Kenya, sharciga maamul goboleedyada, sharciga jinsiyadda iyo socdaalka ee dalka iyo sharciyo kale.
Mudanayaasha aqalka sare ayaa 2-dii bishan galay fasax, waxaa uuna qorshuhu ahaa inay dib u soo laabtaan 2-da bisha Labaad ee sanadka 2022-ka ka hor inta uunan guddoomiyaha aqalka sare a Ken Lusaka isugu yeeri kal-fadhiyo degdeg ah.