Wiil dhallinyaro ah oo xaafadda Bondeni ee Magaalada Mombasa ku dilay aabihiis

0
569

Waxaa lagu soo warramaya in wiil dhallinyaro ah uu aabihiis ku dilay xaafadda Bondeni ee magaalada Mombasa.
Aabaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Najib Aishi ayaa waxaa bangad ku khaarijiyay wiilkiisa oo 25 sano jir ahaa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wiilka inta uu jar jaray uu ka dib jawaan ku qariyay meydka aabihii.
Dadka deriska ah oo si wayn u dareemay urka meydka ayaa booliska ku wargeliyay meydka oo dhex yaalay goob musqul ah.
Wararka ayaa sheegaya in wiilka dilay aabihii uu qabay xanuun dhanka dhimirka ah.
Booliska ayaa meydka u wareejiyay qaybta meydadka la dhigo ee isbitaal ku yaalla gobolka Xeebta.
Waxaana haatan laamaha ammaanka wadaan baaritaanno dheeraad ah oo dhacdadaan ku aadan.