Guddoomiyaha IEBC oo booqasho rasmi ah ku tagay Ingiriiska

0
600

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa booqasho rasmi ah ku jooga boqortooyada Ingiriiska.
Mr. Chebukati ayaa shalay oo Jimco ahayd waxa ku soo dhaweeyay magaalada London wakiilka sare ee Kenya u fadhiya boqortooyada UK Manoah Esipisu.
Guddoomiyaha IEBC ayaa la filayaa in maanta oo Sabti ah uu kulan wadatashi ah la yeesho hoggaamiyayaasha bulshada ee ku dhaqan Bedfordshire ee waqooyiga magaalada London, halkaasi oo ay kawada hadli doonaan arrimaha doorashada guud Kenya ee sanadka dambe ee 2022-ka.
Wakiilka sare ee Kenya u fadhiya boqortooyada UK Manoah Esipisu ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee twitter-ka ku sheegay in guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC Wafula Chebukati uu kulamo wadatashi la yeelan doono qurba joogta Kenya ee Ingiriska.
Waxaa uu intaa ku daray inay kawada hadli doonaan doorashada guud ee sanadka dambe iyo sida codeynta uga qayb qaadan karaan iyagoo jooga dalka dibbaddiisa.
Safarka boqortooyada Ingiriiska ee guddoomiyaha IEBC ayaa ku soo beegmaya, iyadoo doorashada guud ay inaga xigta muudo ka yar sagaal bilood.