Machadka KEMRI oo beeniyay wararka ku saabsan in hergab cusub oo Kenya ka dillaacay

0
395

Machadka sameeya cilmi baarista dhanka caafimaadka ee KEMRI ayaa beeniyay warar lagu faafiyay warbaahinta maxalliga ah iyo baraha bulshada ee ku saabsan hergabka cusub ee ka dillaacay gudaha Kenya.
Bayaan uu machadka KEMRI soo saaray ayaa lagu beeniyay wararka sheegaya in daraasaad uu maamulkan sameeyay lagu ogaaday in hergab cusub uu wadanka ka dillacay.
Waxaa uu maamulka KEMRI sheegay in wararkaas been abuurka la doonayay in argagax aan loo baahnayn lagu abuuro xubnaha bulshada.
KEMRI ayaa dhanka kale 36 baaris u sameeyay 3 bilood ee ugu dambeysay keliya afar qof laga helay hergabka cusub ee bulshada welwelka ku abuuray.
Waxaa uu xusay in natiijadaasi aysan ahayn mid welwel abuureysa.
Waxaa dadweynaha loogu baaqay in aysan ka argagaxin hergabka cusub ay soo shaac baxay muddooyinkii ugu dambeeyay ka dib roobab ka da’ay dalka.
KEMRI ayaa ugu dambeyn kenyaanka ku boorrisay in ay ku dadaalaan nadaafadda shakhsiyadeed, gaar ahaan gacmo dhaqashada iyo cunto caafimaad leh oo la cunno si ay tallaabooyinkan u noqdan ka hortagga hergabka ay bulshada hadal hayso.