Qaramada Midoobay oo u codaysay in baaritaan lagu sameeyo xadgudubyada ka jira dalka Ethiopia

0
424

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la bilaabo baaritaan caalami ah oo lagu sameeyo xadgudubyada ka jira Itoobiya, inkastoo ay caasimadda Addis Ababa ka dhaceen dibadbaxyo, iyadoo laga digayo rabshado inay dhici karaan.
Golaha oo ka kooban 47 xubnood ayaa baaritaanka u codaysay u codeeyay 21, halka 15 ay diideen, 11 kalena ay ka aamuseen, si ay u soo saaraan warbixin dhamaystran oo la xariirtaa xadgdubyada laga soo tabiyay dalka Ehiopia.