In ka badan 1,600 qof oo laga helay caabuqa COVID 19 dalka Kenya

0
726

Heerka cudurka COVID-19 ee Kenya ayaa gaaray heer aad u sarreeya oo ah 22.4 boqolkiiba iyada oo kiisaska la xaqiijiyay 24-kii saac ee la soo dhaafay ay kor u dhaafeen 1000 oo ah qadkii loogu talagalay.
Bayaan ay soo saartay maanta Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in 1,609 qof laga helay COVID-19 ka dib markii la baaray dheecaan dhan 7,176 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay. Arbacadii iyo Khamiista toddobaadkan, heerka cudurku wuxuu ahaa 10.6 boqolkiiba iyo 16.3 boqolkiiba siday u kala horreeyaan.
Wadarta guud ee kiisaska dalka ee la xaqiijiyay ayaa hadda ah 260,166 halka dadka laga baaray xanuunka ay gaarayaan 2,915,257.
Saddex qof ayaa u dhintay cudurka 24-kii saac ee la soo dhaafay taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa 5,353.