8 qof oo lagu la’yahay dhisme ku dumay ismaamulka Muranga

0
707

Wararka inaga soo garaya dowladda deegaanka Muranga ayaa sheegaya in sedded qof ay ku xayiran yihiin huteel dhismo ku socday kaas oo ka koobnaa ilaa iyo shan dabaq.
Dhismaha ay hawsha ka socotay waxaa uu ku yaala deegaanka Makeji ee ismaamulka Muranga.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Murang’a Donatha Kiplang’at, oo xaqiijisay dhacdaan ayaa sheegtay in 43 qof ay ka shaqaynayeen hoteelka xiliga uu shilku dhacayay.
Sida laga soo xigtay Ms. Kiplang’at, in 43 qof 3 ka mid ah la dhigay isbitaalka si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.
Hawlgallada samatabbixinta ayaa hadda socota.