DHAGEYSO:Macallin isku gubay ismaamulka Bungoma ka dib markii uu gabadh uureeyay

0
440

Macallin isku gubay ismaamulka Bungoma ka dib markii uu gabadh uureeyay
Mid ka mid ah macallimiinta dugsiga hoose dhexe ee Magemo oo ku yaalla magaalada Webuye ee dowlad deegaanka Bungoma ayaa lagu soo warramayaa inuu aroorninadii hore ee maanta batrool isku shubay ka dibna dab is qabadsiiyay.
Falkan ayuu ku kacay kadib markii loo soo diray warqad shaqada looga joojiyay.
Shaqa ka joojinta macallinka ayaa timid ka dib markii lagu eedeeyay inuu uureeyay gabadh ardaydiisa ka mid ah.
Sida uu sheegay waardiyaha xaruntaasi waxbarashada, Jack Barasa baraha oo magaciisa lagu sheegay Wycliffe Akeve ayaa dugsiga ka soo galay xayndaabka ama dhanka darbiga abaare 7-dii subaxnimo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu macallinku shaqooyinka caadiga ah la qabtay macallimiinta kale ee xarunta ku sugnaa ka hor inta uusan isku soo xirin qolka shaqaalaha halkaasoo uu isku dhex gubay.
Wararka ayaa sheegaya in macallinka hadda lagu daweeynayo isbitaalka Bungoma maadaama uu dhaawac gubasho ah soo gaaray.
Waalidiinta ayaa dhankooda muujiyay cabsida ay ka qabaan badqabka carruurtooda waxayna macallimiinta ugu baaqeen inay noqdaan kuwo looga daydo ficillada wanaagsan ee ay sameeyaan balse aysan noqon kuwo ku kaca waxyaabaha xun xun.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe u qaabilsan bariga Webuye Peter Yego ayaa xilli uu dhacdadan xaqiijiyay waxaa uu barayaasha uga digay xiriirka ay ardayda la yeelanayaan.
Mr. Peter ayaa sheegay in tallaabo adag oo dhanka sharciga ah laga qaadi doono kuwa ku lug yeesha falal dambiyeedyada noocan ah.
Wakiilka deegaanka hoose ee Mihuu, Violet Makhanu iyo mas’uuliyiin kale ayaa laamaha sharciga waxay ugu baaqeen in macallinkan lagu soo oogo dacwad la xiriirta fal dambiyeedka uu ku eedaysan yahay.