Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiang’i ayaa shakhsiyaadka wax bartay kula taliyay inay kaalin ka qaataan horumarka tacliinta ee deegaanada ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay qayb ka tahay wax u qabashada bulshada.
Matiang’i ayaa tilmaamay in aqoonyahaanka oo taageero u muujiyo goobaha waxbarasho ee deegaankiisa ay ka dhigan tahay maalgelinta jiilalka dambe.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ku sugnaa dugsiga sare ee gabdhaha ee Sironga oo ku yaalla dowlad deegaanka Nyamira.
Wasiirka ayaa halkaasi ka dhagax dhigay dhismaha xarun shirarka iyo munaasabadaha kala duwan lagu qaban doono oo qaadaysa ilaa 3000 oo qof.
Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya dhaqaale dhan 80 milyan oo shilin oo ay soo uruuriyeen samafalayaal.