DHAGEYSO:Burcad xalay in ka badan saddex qof ku dhaawacday deegaanka Likoni ee Mombasa

0
323

Koox burcad ah ayaa lagu soo warramaya inay xalay dhibaateeyeen shacabka ku nool xaafado ka mid ah deegaan baarlamaneedka Likoni ee ismaamulka Mombasa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxdu ay laga billaabo 8-dii fiidnimo ee xalay weerar u gaysanaysay cid kasta oo ay la kulanto.
Ugu yaraan saddex qof oo ay dhaawacyo culus soo gaareen ayaa hadda xaaladooda caafimaad lala tacaalaya halka qaar kalena hanti laga dhacay.
Qaar ka mid ah shacabka Likoni oo falalkan warbaahinta uga warramay ayaa dareenkooda sidan u muujiyay

Saraakiisha ammaanka ayaa dhankooda sheegaya inay ku raadjoogaan burcadda oo marka ay weerar gaysato dhuumaaleysta.