Hoggaamiyaasha ku midoobay isbeheysiga siyaasadeed ee OKA ee kala ah Musalia Mudavadi, Gideon Moi, Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetangula ayaa sheegay inay mideysan yihiin oo aynan kala tagi doonin.
Waxay hoosta ka xarriiqeen inay weli ku howlan yihiin wada hadallo ay ku soo xulanayaan in mid ka mid ah uu sanadka 2022-ka u tartamo hoggaanka ugu sarreeya dalka.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya uu ugu baaqay inay ku soo biiraan xisbiga UDA.
Hasa ahaate madaxda OKA ayaa si cad u sheegay inay yihiin dhinac saddexaad oo aan la fududeysan karin marka laga hadlayo loolanka madaxtinimo ee sanadka 2022-ka.
Waxay kenyaanka u ballanqaadeen in xilliga habboon ay shaacin doonaan musharraxadooda xilka madaxweynenimo.