Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa sheegay in raadiyaha uu kaalin weyn ka qaatay la tacaalidda hadallada naceybka ku saleysan.
Waxaa uu guddigu sheegay in raadiyaha uu noqday madal fursad siisay aragtiyo isku dheeli tiran.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo berri caalamka looga dabaal degaya maalinka raadiyaha adduunka.
Xuska sanadkan ayaa hal ku dhig waxaa u ah in raadiyuhu uu noqdo mid sare u qaado wada-noolaansho nabdoon.