Ururka ay ku mideysan yihiin waaxyaha kala duwan ee dhakhaatiirta wadanka ee loo yaqaano (KMPDU) ayaa dowladda u soo jeediyay inay soo saarto xeerka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Qoraalka ururkan ayaa muujinaya in tani ay gacan ka gaysan karto la tacaalidda cudurrrada faafa ee mustaqbalka.
KMPDU waxay dowladda dhexe iyo ismaamullada kula talisay inay dib u eegis ku sameeyaan tilmaamaha xeerka qaran ee tallaalka ee sanadkii 2013-kii si dawooyinka loo gaarsiiyo xarun kasta oo caafimaad.
Sidoo kale dhakhaatiirta ayaa sheegaya inay lagama maarmaan tahay in maalgelin wayn lagu sameeyo agabka lagu keydiyo dawooyinka tallaalka.
Talooyinka loo soo bandhigay dowladda waxaa ka mid ah inay awoodo siiso guddiga qaabilsan dawooyinka iyo ka hor tagga waxyaabaha sunta ah.