Rwanda oo soo saartay tallaabooyin ka dhan ah Omicron

0
383

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Rwanda ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin dheeraad ah oo ay doonaysa inay kaga hor tagto faafitaanka nooca cusub ee COVID-19 ee Omicron.
Dhamaan rakaabka wadankaasi tagaya ayaa waxaa khasab ah inay saddex cisho karantiil galaan.
Laga billaabo maanta , waxaa lagu hayn doonaa maqaaxi gaar ah iyagoo qarashaadka iska bixinaya.
Marka qofka uu Rwanda ka dego waxaa laga baaraya cudurka COVID-19 iyadoo baaritaano dheeraad ah la sameynaya maalmaha saddexaad iyo toddobaad safarkiisa ka dib .
Qarashka baaritaanka ee Covid-19 PCR test waxaa qabaya qofka .
Tani ayaa timid ka dib markii gudaha dalka Rwanda laga xaqiijiyay faraca Omicron.
Dowladda dalkaasi ayaa sidoo kale mamnuucday isku socodka habeenkii laga billaabo saqda dhexe ilaa 4-ta aroornimo.
Goobaha ganacsiga waxaa khasab ah in la xiro ugu dambeyn 11-ka habeenimo.
Waxaa sidoo kale meesha laga saaray goobaha lagu caweeyo iyo madadaallada.
Xafiisyada dowladda ee Rwanda waxaa ka shaqeyn karo keliya boqolkiiba 30 ee tirada howlwadeenada.
Ganacsiyada gaarka ah waxaa ka shaqeynaya boqolkiiba 50 ee dadka iyadoo si wayn loo raacayo tilmaamaha wasaaradda caafimaadka.
Kulamada tooska ah waxaa ka qayb gelaya boqolkiiba 75 iyadoo qof kasta laga doonayo inuu soo bandhigo shahaado muujinaysa in cudurka laga baaray saddex cisho ka hor shirka.
Bayaanka wasaaradda waxaa ku cad in tallaabooyinka dib u eegis lagu sameyn karo xilli kasta oo ay wasaaradda caafimaadka u aragto munaasab.