Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kalonzo iyo Mudavadi oo doonaya in Raila sanadka 2022-ka laga hor istaago...

Kalonzo iyo Mudavadi oo doonaya in Raila sanadka 2022-ka laga hor istaago madaxtinimada

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo dhigiisa ANC Musalia Mudavadi ayaa billaabay qorsho ay ku doonayaan in madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uunan sanadka 2022-ka u tartamin hoggaanka ugu sarreeya Kenya.
Waxay ka dalbanayaan inuu tixgeliyo heshiiskii lagu soo dhisay isbeheysiga NASA ee ay kaga qayb galeen doorashadii guud ee ugu dambeysay.
Siyaasiyiintan ayaa Odinga u bandhigay in sidii sanado ka hor la isku afgartay uu xilliga doorashada soo socoto taageero mid iyaga ka mid ah.
Mr. Musyoka oo u warramay telefishinka maxalliga ee NTV ayaa su’aal geliyay sababta uu Raila mar saddexaad ugu garab istaagi karo madaxtinimada wadanka maadaama uu labo mar oo kale soo dhisay.
Mudavadi iyo Kalonzo ayaa ku andacoonaya in Raila uu 2017-kii u sheegay in markii ugu dambeysay uu hoggaanka wadanka u tartamayo sidaas awgeedna maadaama ay rumeysan yihiin in ay dalka hoggaamin karaan ay doonayaan in codeynta nagu soo aaddan uu taageero siyaasadeed u muujiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments