Maxkamad ku taalla magaaladatani Nairobi ayaa shalay mudanaha laga soo doortay deegaanka bariga Embakasi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino ku waysay dembi ah inuu bishii koowaad ee sanadkii hore isku dayay inuu dilo Felix Orinda oo loo yaqaano DJ Evolve.
Tani ayaa timid ka dib markii dhibanaha oo uu matalaya qareenkiisa uu maxkamadda ku wargeliyay inuusan jecleyn in dacwaddan ay sii socoto.
Garsoore Bernard Ochoi ayaa sheegay in kastoo aynan maxkamaddu qayb ka ahayn wada xaajoodka haddana in xildhibaanka uu oggolaaday inuu guto waajibaadka ka saaran daryeelka shakhsiga lagu eedeyay inuu toogtay.
Labada dhinac ee ay dacwaddu ka dhexeysay ayaa isku afgartay inay qaab maxkamadda ka baxsan ku xalliyaan kiiskan.
Hasa ahaate xildhibaan Babu Owino ayaa bisha koowaad ee sanadka dambe lagu soo oogi doonaa dacwad ah in isagoo hub sita uu u dhaqmay si aan habbooneyn taasi oo halis gelisay nolosha mid ka mid ah muwaadiniinta dalka.