Maxkamadda sare oo saartay amar lagu soo xirayo agaasimaha dambi baarista ee DCI-da

0
533

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da George Kinoti, ka dib markii lagu helay dembi ah inuu dafiray amar maxkamadeed.
Warqad ay maxkamaddu u dirtay taliyaha guud ee booliska dalka Hilary Mutyambai, ayay ku amartay in Mr. Kinoti la soo xiro oo la horgeeyo maxkamadda, si uu uga jawaabo eedeymaha lagu soo oogay, lana marsiiyo sharciga.
Mr. Kinoti ayaa ku guuldareystay inuu soo wareejiyo hub la sheegay in sanadkii 2017-kii laga qaaday ganacsade Jimmy Wanjigi xilli ciidamadu ay howlgal ka sameyeen hooygiisa ku yaalla deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi.
Bishii hore ayay ahayd markii agaasimaha DCI-da lagu xukumay afar bilood oo xabsi ah ka dib markii uu u hoggaansami waayay amarkii maxkamadda ee ahaa in uu soo celiyo hubkii laga qaaday ganacsade Jimi Wanjigi.
Waxaa isla bishaas lagu amray in muddo 7 cisho gudahood ah uu isugu dhiibo maamulka xabsiga wayn ee Kamiti Maximum, taasi oo uu ku guuldareystay agaasimaha waaxda dambi baarista ee DCI-da.
Bishii lixaad ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii garsoore Chacha Mwita uu go’aamiyay in dowladdu ay ku dhaqaaqday tallaabo aan habboneyn oo ay Wanjigi kala wareegtay hub u sharciyeysan.