Waxaa lagu soo warramayaa in dab xooggan uu ka kacay suuq ku yaalla xerada qaxootiga ee Dhagaxleey oo ka tirsan deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa
Baraha intarneetka ayaa lagu arkayay sawirrada holaca iyo qiiqa dabka qabsaday goobtaasi.
Waxaa ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan iyo waxa sababay.
Marar badan oo hore ayuu dab khasaare badan gaystay ka ka kacay suuqyada xeryaha qaxootiga ee Dadaab.