Maxkamadda sare oo hakisay ku tallaaba qaadka go’aankii tallaalka ee wasaaradda caafimaadka ee Kenya

0
671

Maxkamadda sare ee dalka ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa soo saartay amar lagu hakinayo ku tallaaba qaadka amarkii dowladda dhexe ee ahaa in helitaanka adeegyada muhiimka ah laga xayirayo qofkii aan qaadan tallaalka ka dhanka ah corona.
Wasaaradda caafimaadka dalka ayaa sheegtay in laga bilaabo 21-ka bishan aysan adeegyada dowladda heli doonin shakhsiyaadka aan qaadan tallaalka Covdi19.
Go’aankan oo uu soo saaray Talaadada maanta ah garsooraha maxkamadda sare ee dalka Antoni Mrima ayaa dhinac la isaga dhigay go’aan uu horay u soo saaray wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ee ahaa in dhammaan dadka aan iska tallaalin corona laga xayiri doono adeegyada maamulka canshuuraha wadanka ee (KRA), maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka waddooyinka ee (NTSA),waxbarashada, isbitaallada , socdaalka, dekadda ,goobaha madadaalada ,booqashada maxaabiista, maqaayadaha iyo waaxyaha la midka ah.
Xukunkan ayaa yimid ka dib markii mid ka mid ah qareenada dalka oo lagu magacaabo Harrison Kinyanjui uu codsi maxkamdda u gudbiyay, isagoo ku andacoonaya in amarka wasaaradda caafimaadka u yahay mid takoor laga dheehan karo oo aan dastuurka waafaqsanayn.
Garsoore Mrima ayaa sheegay in amarka dowladda u sii ahaan doono mid la hakiyay inta laga gaarayo dhageysiga dacwadda iyo go’aan ka gaarideeda.