Madaxda cadaaladda ee bariga Afrika oo berri shirweyne uga furmi doono Nairobi

0
252

Madaxda caddaaladda ee waddamada xubnaha ka ah jaaliyadda bariga Afrika ee EAC ayaa toddobaadkan ku kulmaya dalka Kenya.
Waxaa lagu wadaa inay yeeshaan wada-hadallo heerkoodu sarreeyo oo ku saabsan doorka ay maxkamaduhu ku leeyihiin qalabka horumarinta dhaqaalaha iyo isbeddelka bulshada.
Madaxa caddaaladda ee dalka , ahna guddoomiyaha maxkamadda sare ee Kenya, Martha Koome, ayaa lagu wadaa in guddoomiso madashan.
Waxaa kulankan khubarada sharciga ka qayb noqon doono garsoorayaasha maxkamadaha sare ee bariga Afrika.
Madashan heerkeedu sarreeyo waxaa si wada jir ah ah maanta u furay waaxyaha garsoorka ee jaaliyadda EAC iyo guddiga waxbarashada garsoorka ee bariga Afrika, si loo kordhiyo wadashaqeynta garsoorka gobolka iyo machadyadooda tababarka ee garsoorka.
Shirweynaha, oo si rasmi ah u furmi doona berri oo Arbaco ah ayaa looga doodi doona si loo meel mariyo xeerar lagu hago laguna maamulo howlaha madasha guddoomiyeyaasha maxkamadaha jaaliyadda bariga Afrika ee EAC.
Waxaa dood cilmiyeedkan uu socon doonaa ilaa 17-ka bishan, ayaa sidoo kale ujeedkiisu yahay in lagu ogaado meelaha u baahan la xoojiyo gaar ahaan awoodda garsoorayaasha iyo saraakiisha garsoorka ee gobolka.
Waxaa la filayaa in la kordhiyo aqoonta iyo wacyiga garsoorayaasha iyo saraakiisha garsoorka ee jaaliyadda EAC ee kor u qaadida helitaanka caddaaladda.
EAC oo ah jaaliyad dhaqaale ee bariga Afrika ayaa aqoonsan doorka maxkamadaha iyo nidaamka cadaaladda inay yihiin waax kaalin muhim ka qaadato isdhexgalka bulshada.
Mid ka mid ah mabaadi’da muhiimka ah ee jaliyadda EAC ay ku qotonto qodobbada 6 iyo 7 ee heshiiska aasaaska bulshada bariga Afrika, ayaa ah ixtiraamka sarreynta sharciga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here