Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay inuu heer wanaagsan maraya dhaqangelinta adeegga caafimaadka guud ee loo yaqaano UHC.
Barnaamijkan oo ka mid ah qorshayaasha ugu waawayn ee maamulka talada dalka haya ee Jubilee ayaa looga gol-leeyahay in dhammaan dadweynaha ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Waxay xoghayaha sheegtay in sanadihii hore ay aad u adkeyd in bukaanka uu helo daryeel caafimaad oo tayo leh qarash ahaanna uu awoodo balse hadda ay xaaladdaasi is beddelayso.
Waxay rajo wanaagsan ka muujisay in si buuxda loogu guulaysan doono barnaamijka UHC.
Dr.Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in sanadkan la dhameystiray xeerka loo adeegsanaya dhaqangelinta barnaamijkan si loo cadeeyo dhinacyada dowladda laga doonayo inay maalgelin caafimaad ku sameyso iyo kaalinta waaxyaha gaarka ah.
Xoghayaha ayaa intaasi ku dartay in maamulka Jubilee uu maalgelin ballaarin ku sameeyay furitaanka isbitaallo dheeraad ah iyo howlgelinta khuburro caafimaad si adeegyadan looga dhigo kuwo si fudud oo la awoodo ay ku helaan dhammaan kenyaanka.
Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in waaxyaha kala duwan ee caafimaadka ay horumar sameeyeen marka la eego tirada xarumaha daryeelka.
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka ayaa dhanka kale hoosta ka xarriiqday in Kenya ay ku baraarugtay in baahi wayn loo qabo maalgelin ballaaran oo lagu sameeyo daryeelka bukaannada qabo xanuunnada dhimirka.
Shalay ayay ahayd markii dunida looga dabbaal degay maalinta caalamka ee daryeelka caafimaad.