Wasaaradda caafimaadka oo billaabaysa tallaal soconaya in ka badan saddex bilood

0
358

Wasaaradda caafimaadka ee dalkani Kenya ayaa lagu wadaa inay daahfurto olole tallaal oo qaadanaya muddo boqol cisho ah kaasoo laga fulin doono guud ahaan wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii uu hoos u dhac ku yimid bixinta tallaallada ka dhanka ah cudurrada kala duwan.
Waxaa ololahan sameyn doonto waaxda tallaalka qaran ee (NVIP) iyadoo taageero ka helaysa hay’adaha ka shaqeeya arrimaha caafimaadka.
Tallaalka ayaa lagu bartilmaameedsan doonaa carruurta , hooyooyinka uurka ah iyo kuwa aan weli dhalmada joojin oo aan fursad u helin in la tallaalo tan iyo markii uu dillaacay cudurka faafaya ee COVID19.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa laga soo xigtay in lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkii 2020-kii , boqolkiiba 5 uu hoos u dhacay tallaalkii lagula tacaalayay cudurrada ay ka midka tahay jadeecada ee laga fuliyo wadamada dunida.
Waxaa tani loo aaneeyay caabuqa corona oo dagaalka dowladuhu ay kula jiraan iyo dadaallada ay ku bixinayaan wax ka qabashadiisa ay carqaladeysay la tacaalidda xanuunada kale.