9 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Gilgil

0
525

Shil aroornimadii hore ee maanta ka dhacay deegaanka Gilgil ee ismaamulka Nakuru ayaa waxaa ku dhintay 9 qof.
Waxaa uu shilku u dhexeyay baabuur yar iyo mid ka mid ah gawaarida xamuulka.
Gaadiidkan ayaa isku dhacay xilli ay marayeen meel u dhow isbitaalka St Mary ee wadada weyn ee u dhexeysa magaalooyinka Nairobi iyo Nakuru .
Taliyaha booliska ee deegaanka Gilgil John Onditi ayaa sheegay in shilku uu dhacay abaare 5-tii aroornimo.
Wuxuu intaa ku daray inuu jiro dhaawaca 6 qof oo xaaladooda caafimaad lala tacaalaya.
Taliyaha ayaa sheegay in guddi ka tirsan hay’adda laanqeerta cas uu gaaray goobta shilka si uu u soo badbaadiyo rakaab la rumeysan yahay in ay weli ku hoos jiraan baabuurka yar.