Labo qof oo looga shakisan yahay inay ka danbeeyeen xoolo lagu laayay Homa Bay oo la xiray

0
383

Ciidamada Booliska maamul goboleedka Homa Bay ayaa lagu soo waramayaa inay xabsiga dhigeen labo qof oo eedaysaneyaal ah kuwaasoo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin dhacdo lagu dilay 18 neef oo lo’ ah sidoo kalena si daran loogu dhaawacay ilaa 120 neef oo kale.
Hawlgalka ay ciidamadu shaqsiyaadkaan ku soo qabteen ayaa sidoo kale waxay ku gacanta ku dhigeen hubka fudud waxayna dhacdadu ka dhacday deegaanka Ndhiwa maalinkii axada ee shalay ahayd.
Hawlgalka ragaan lagu soo qabtay ayaa waxaa wada jir u fuliyay ciidamada saldhiga booliska Ndhiwa wuxuuna ka dhacay in ka badan shan goobood ee degmadaasi ka tirsan.
dhacdadaan ayaa saamaysay in ka badan 30 xoola dhaqatada aagaas ah waxaana soo gaaray qasaare xooggan kadib markii dad aan haybtooda la garanayn ay weerareen lo’da oo ay tooray la dhaceen sidoo kale lama oga sababta weerarkaan ka danbaysay balse marar hore oo dhowr ah ayaa dhacdooyin noocaan ah aagaas laga soo tabiyay.
Gudoomiyaha dowlada dhexe u qabilsan dowlad deegaanka Homa Bay Moses Lilan ayaa xaqiijiyay in labada la tuhmane gacanta lagu dhigay galinkii hore ee isniinta maanta ah loona sii qaaday saldhiga booliska ee degmada Ndhiwa si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo ka hor intaan maxkamada la soo taaqin.
Mr Lilan ayaa sheegay in labadaan qof ee la qabtay ay yihiin la tuhmaneyaasha ugu muhiimsan ee ay ciidanka boolisku ku raad joogeen ilaa maalinkii talaadada ee todobaadkii hore weerar kan la mid ah oo ka dhacay deegaanada Waondo iyo Kayanja oo hoos taga degmada Mbita halkaasoo lagu dilay 32 neef oo lo’ ah sidoo kalena la dhaawacay 59 kale.
Mr Lilan ayaa shaaca ka qaaday inay raacayaan tilmaamaha kale ee muhiimka ah ee laga helay shaqsiyaadka gacanta lagu dhigay si loo soo qabto dadka kale ee looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin falkaan foosha xun.
Ciidanka booliska ah intii ay howgalkaan ku guda jireen waxay gacanta ku soo dhigeen dhowr nooc oo hub ah kaasoo isugu jiray sadex baangadood,hal waran iyo afar shay oo kale hubka ka mid ah kuwaasoo dhamaan la aaminsan yahay iyo weerarkaas loo adeegsaday.
Gudoomiyaha ayaa qaybaha bulshada ugu baaqay inay ciidamada amaanka ku soo wargaliyaan xogkasta oo weerarkaan la xiriirta si ay gacan uga gaysato in baaritaanka socda.
Wuxuuna intaas ku daray in baaritaanadaan la gaadhsiin doono ismaamulada Kisumu iyo Migori halkaasoo la rumaysan yahay inay ku dhuumaalaysanayaan qaar ka mid ah kooxda falkaan gaysatay ee la tuhmaneyaasha ah.