Ururka ay ku midoobeen garsoorayaasha Kenya ee (KJMA) ayaa si aqlabiyad leh ugu doortay garsooraha sare ee maxkamadda deegaanka Kibera ee ismaamulka Nairobi Derrick Kuto inuu noqdo madaxweynaha ururkan.
Mr. Kuto ayaa noqonaya garsoorihii ugu horreeyay ee hoggaamiya ururka KJMA.
Waxaa uu helay 290 cod, halka garsoorihii la tartamaya uu asna helay 113 cod, ka dib doorasha ka dhacday deegaanka Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Waxaana codeyntan ka qayb qaatay in ka badan 500 oo garsoorayaal.
Waxaa uu sheegay garsoore Kuto in uu ahaan doono mid u doodo xuquuqda garsoorayaasha dalka.
“Waxaan si dhow ula shaqeyn doonaa guddiga adeegga garsoorka dalka ee JSC, waxaan diyaar u nahay inaan dhegaysano kuwa diyaarka u ah inay na siiyaan talada horumarinta ururkayaga, waxaan rabaa inaan u caddeeyo dhammaan xubnaha ururka garsoorayaasha inaan u istaagi doono midnimada iyo xoojinta ururkeenna” ayuu yiri garsoore Kuto
Garsoore Derrick Kuto ayaa horaan soo noqday xoghayaha guud ee ururka garsoorayaasha wadanka.