Al-Shabaab oo la wareegtay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan

0
352

Xubno ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa Maanta waxaa ay si nabad ah kula wareegeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Degmada Matabaan ayaa waxaa gacanta ku hayay Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug iyo maleeshiyaad tiro yar , balse la sheegay inay isaga baxeen markii ay kusoo dhawaadeen ururka Al-Shabaab.
Shalay Al-Shabaab waxaa ay la wareegeen deegaannada Bacda iyo Beergadiid oo hoos taga degmada Matabaan, iyaga oo aan wax iska caabin ah kala kulmin Ciidamadii ku sugnaa.
Degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan balse Maamul ahaan hoostagta Galmudug ayaa waxaa dhowr jeer isku beddelay Ciidamada Galmudug iyo xoogaga Ahlusunna, waxaana taliyaha Booliska degmada Matabaan dhawaan si KMG ah loogu Magacaabay Taliyaha Booliska Guriceel.
Madaxda Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada qaybta 27-aad ayaan weli ka hadlin la wareegitaanka Ururka Al-Shabaab ee degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.