DHAGEYSO:Ruto:Muwaadiniinta dalka waa in ay fursad siman u helaan horumarka

0
390

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Samoei Ruto ayaa sheegay in dabbaal degga Jamhuri uu yahay dib u milicsiga safarkii Kenya ay soo martay dal ahaan.
Waxaa uu tilmaamay in iyadoo waayihii hore la xusuusanaya haddana loo baahan yahay in diiradda la saaro mustaqbalka.
Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in la joogo xilligii la dhisi lahaa Kenya muwaadin kasta oo ku nool uu fursad u helayo inuu horumar gaaro.
William Ruto ayaa xusay inay khasab tahay in iyadoo la adeegsanaya wanaagii hore iyo midka hadda jira la dhiso Kenya cusub.
Xilli uu maanta khudbad ka jeedinayay dabbaal degga maalinta Jamhuri Day ayuu William Ruto sheegay in aan loo baahneyn in shaqooyinka la kala doorbido tani oo ah xeeladiisa siyaasadeed ee uu ku garab istaagayo ganacsatada yaryar.