DHAGEYSO:Madaxweynaha Kenya oo aan weli ka quusan hannaankii BBI ee la laalay

0
612

Madaxweynaha dalkani Kenya Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta soo hadal qaaday geeddisocodkii sharci beddelka ee BBI-da ee ay dhinac iskaga dhigeen maxkamadaha wadanka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in BBI ay tahay riyo la hakiyay balse maalin, xill un in lagu tallaabo qaadi doono.

In kastoo ay wajahday caqabado sharciyeed waxaan maanta mar kale leeyahay BBI waa un riyo dhinac la isaga dhigay , maalin, mar un waa ay jiraysa sababto ah sida dalka uunan u xamili karin laandheernimo qabiil iyo kala saarid ayuu si la mid ah u qaadi karin matalaad aan caddaalad ahayn oo la weeciyay ,waa saameyn ku tala gal ah waana khasab in aan xallino.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay go’aansadeen sharci beddel ka dib markii ay ku baraarugeen in dalka aynan u wanaagsanayn natiijada ka soo baxdo doorashada ee qofkii loolanka ku adkaada loo arko guulaystaha keliya.
Mr. Kenyatta waxaa uu sheegay in ujeedadii laga lahaa BBI ay ahayd in la ballaariyo golaha fulinta.
Kenyaanka iyo hoggaamiyaasha siyaasadeed ayuu ugu baaqay inay qadariyaan kala duwanaanshaha dhanka aragtida ee ka dhexeysa oo ayna xaqiijiyaan in la cubo dulduleelka jira.
Madaxweynaha ayaa ku celceliyay muhiimadda ay leedahay midnimada kenyaanka iyadoo laga tusaalo qaadanaya halyeeyadii u soo dagaalamay xurriyadda wadanka.
Waxaa uu soo jeediyay in casharro laga barto dhibaatooyinkii iyo khaladaadkii horay u dhacay si looga hor tago in mar kale gudaha wadanka uu dhiig ku daato.

30-kii bishii hore ayay ahayd markii uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku difaacay qorshihii BBI isagoo tilmaamay in xasiloonida siyaasadeed ay tahay geeddisocod maamul kasta laga doonayo inuu ka baaran dego .
Qorshahan ayaa waxaa meesha ka saartay maxkamadda sare ee wadanka iyadoo taasi ay ku raacday maxkamadda racfaanka.
Hasa ahaate dacwad dhinacyada u ololeynaya arrinkan ay geeyeen maxkamadda ugu sarreysa ee Supreme Court ayaan weli la soo gabagabeyn.
BBI ayaa ka dhalatay heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay 9-kii bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii yeesheen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ka dib doorashooyinkii 2017-kii ee sida wayn loogu kala qaybsamay.