Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa lagu wadaa inuu maanta safarkii ugu horreeyay ee rasmi ah uu ku tago dalka isku tagga imaaraadka carabta ee UAE-da.
Waxaa uu halkaasi berri kulan kula qaadan doonaa dhaxal suge Sheekh Maxamad bin Zayed al-Nahyan.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay xafiiska Bennett.
Labada dhinac ayaa ka wada hadli doono xiriirka sii hogeysanaya ee ka dhexeya si gaar ah arrimaha gobolka iyo dhaqaalaha.
Hasa ahaate dowladda Imaaraadka ayaan weli dhankeeda weli ka hadlin safarka ra’iisul wasaaraha Israa’iil.
Sanadkii hore ayay ahayd markii Israa’iil iyo UAE-da ay wanaajiyeen xiriirkooda.
Waxay xilligaasi wada saxiixdeen heshiis ku saabsan dalxiiska, ganacsiga iyo tiknolojiyadda.




