Kenyaanka oo lagu boorriyay inay noqdaan waddaniyiin dhab ah

0
301

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa qoraal ay soo saartay waxay dadweynaha ugu baaqday inay muujiyaan waddaniya dhab ah.
Qoraalka waxaa ku cad in qof kasta oo kenyaan ah laga doonayo inuu u istaago danta qaranka iyo ka shaqeynta mustaqbalka jiilalka dambe.
Wasaaradda waxay sheegtay in munaasabadda Jamhuri Day ee maanta loo dabbaal degaya ay tahay mid lagu xusuusanaya shakhsiyaadkii kaalin ka soo qaatay in Kenya ay noqoto jamhuuriyad madax bannaan.
Shalay ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta si rasmi ah u soo bandhigay taallada Ronald Gideon Ngala oo laga hirgeliyay bartamaha magaalada Nairobi si loogu xusuusto halgankii uu u galay xurriyadda wadanka.