DCI-da oo digniin ka soo saartay shahaadooyinka sharci darrada ee booliska

0
526

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa ku boorrisay dadka Kenyaanka ah in ay ka fogaadaan shahaadooyinka booliska ee sida sharci darrada ah loo soo saaray ka dib markii ay bateen dukumentiyada been abuurka ah.
Sida laga soo xigtay DCI-da, shahaadooyinka been abuurka ah ayaa shakhsiyaadka loogu diraa email halkii si toos ah looga soo saari lahaa shabakadda la aqoonsan yahay ee loo yaqaana E-citizen halkaas oo uu qofka ka heli karo adeegyada dowladda.
Bayaan ay soo saartay waaxda DCI-da, ayay ku taliyeen in caddeynta booliska si toos ah loo soo geliyo shabakadda E-citizen.
DCI-da waxa ay si lamid ah kula talisay Kenyaanka in ay kaliya ka codsadaan shahaadooyinka caddeynta isla halkaas.
Bulshada ayaa laga codsaday inay soo gudbiyaan shahaadada caddeynta booliska ee Police Clearance certificate- PCC iyada oo loo marayo shabakadda E-citizen.
Waxaa ay ka digeen in qof kasta oo lagu qabto isagoo fal-dambiyeedkan sameynaha lagu soo oogi doonaa dacwad.