Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyay sida ay Kenya uga go’an tahay horumarinta dimuqraadiyadda, ixtiraamka xuquuqda aadanaha, nabadda iyo amniga gobolka iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Waxaa uu sheegay in diiradda la saari doono sidii looga hortaggi lahaa kalitalisnimada iyo musuqmaasuqa gudaha dalka iyo guud ahaan bariga Afrika.
Hadalkan ayuu jeediyay xalay fiidkii xilli uu ka qayb galay shir madaxeedka dimuqraadiyadda ee uu isugu yeeray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.
Shirkan oo socday laba maalmood ayaa waxaa si heer sare ah uga soo qayb galay in ka badan 100 dowladood.
Tan iyo markii ay xornimada qaadatay Kenya, waxay si tartiib ah u sii xoojisay dimuqraadiyadeeda, waxayna ku sal dhigatay ku dhaqanka sharciga, ayuu madaxweyne Uhuru Kenyatta ka sheegay shirka.
Mr. Kenyaatta ayaa ka dhawaajiyay in wax laga qaban doono dadka la heyb sooco oo ay ka mid yihiin, haweenka, dhalinyarada iyo dadka baahiyaha gaarka qabo.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay dagaalka ay Kenya kula jirto musuqmaasuqa isagoo sheegay in dalka uu guulo muhiim ah gaaray la dagaalanka musuqa muddadii uu xilka hayay.
Home Wararka Kenya Madaxweyne dalka oo sheegay inay Kenya ka go’an tahay horumarinta dimuqraadiyadda