Madaxii shaqaalaha ee xafiiska madaxweyne ku xigeenka dalka oo geeriyooday

0
404

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa xaqiijiyay inuu geeriyooday madaxii shaqaalaha ee xaafiiskiisa.
Mas’uulka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Ken Osinde, oo ay da’adiisu ahayd 59 sano jir.
Mr. Osinde ayaa gelinkii dambe ee shalay ku geeriyooday isbitaalka Nairobi hospital, ka dib muddo uu xanuunsanaa.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa mas’uulkan ku tilmaamay inuu ahaa shakhsi howlkar ah oo qayb muhiim ah ka ahaa shaqaalaha xafiiskiisa
Waxaa uu tacsi u diray ehelladii iyo asxaabtii uu ka baxay, islamarkaana uu murugada la qayb sanayo.
Waxaa uu xusay in xafiiskiisa uu ka baxay mid ka mid ah saraakiishii ugu muhiim saneyd oo in badan la tabi doono taladiisa xigmadda leh iyo dhiirigelintiisa.