DHAGEYSO:Raila Odinga oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne ee doorashada 2022-ka

0
431

Hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada dalkani Kenya doorashada guud ee sanadka dambe 2022-ka.
Mr. Odinga ayaa shaaciyay in 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadka soo socdo uu markii shanaad u tartami doono xilka madaxtinimo ee dalka.
Arrinkan ayuu kaga dhawaaqay shirweynaha higsiga mideynta ee Azimio La Umoja oo lagu qabtay maanta garoonka cayaaraha Kasarani ee magaalada Nairobi.
Waxaa munaasabaddan kasoo qayb galay kumannaan kun oo dadweyne ah.
Kulanka waxaa sidoo kale kasoo qayb galay madax kala duwan oo isugu jiro siyaasiyiinta ODM,xulafadooda, madax ka tirsan xisbiga talada haya ee Jubilee iyo taageerayaashooda.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa dhinaca kale ku dhawaaqay in dhaqdhaqaaqa Azimio La Umoja uu noqon doona mid ku hagi doono aqalka madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House.
Ra’isul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in uu jagada madaxtinimada u istaagayo ka dib markii uu la tashiyo badan sameeyay.
Waxaa uuna u mahadcelinayaa Kenyankii ka soo qeyb galay maanta munaasabadiisa.

In muddo ah Kenyaanka ayaa sugayay go’aanka uu maanta ku dhawaaqay Raila Odiga oo ah hogaamiyaha xisbiga ODM.
Waxaa uu doorashada guud sanadka dambe loolan adag la gali doona madaxweyne ku xigeenka dalka ee William Ruto.