DHAGEYSO:Kenyaanka oo rajo wanaagsan ka muujiyay shirka mideynta bulshada ee Kasarani

0
350

Qaar ka mid ah dadweynaha maanta ka qayb gelaya kulanka siyaasadeed ee lagu qabanaya garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka uu caddeyn doono mowqifkiisa.
Shacabka oo ka kala yimid ismaamullada kala duwan ee wadanka ayaa hoosta ka xarriiqay inay doonayaan inay si dhow ula socdaan khudbadda Raila uu jeedin doono.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah uma cadda in madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uu qayb ka yahay loolanka siyaasadeed ee sanadka 2022-ka in kastoo ay jirto saansaan ah inuu mar shanaad iskudayi doono hoggaaminta Kenyaanka.