Waxaa lagu soo warramayaa in gacanta lagu dhigay 5 eedeysanayaal oo loo haysto inay dileen askari boolis ahaa.
Meydka sarkaalkan oo ay ka muuqdaan dhaawacyo dhanka gacmaha iyo madaxa ayaa laga helay degmada Olekurto oo ka tirsan dowlad deegaanka Narok.
Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Patrick Ole Sunkudi.
Taliyaha ciidamada booliska ee Narok Kizito Mutoro ayaa warbaahinta uga warramay tuhmanayaasha la qabtay.