Agaasimeyaasha shirkadda Purma oo maxkamadda tagay

0
419

Waxaa lagu soo warramayaa in agaasimeyaasha shirkadda Purma Holdings ee kala ah Mary Wambui iyo Purity Njoki ay isu dhiibeen maxkamadda ka dib saacado la raadinayay.
Labadan mas’uul ayaa saaka tagay maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi qaybteeda qaabilsan arrimaha musuqmaasuqa.
Waxay ka soo hormuuqdeen garsoore Felix Kombo iyagoo iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay oo ahaa inaysan bixin canshuur dhan 2.2 bilyan oo shilin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay codsadeen in damiin lagu siidaayo iyaga oo ay matalayaan qareenadooda kala ah madaxa ururka garyaqaanada dalka ee LSK Nelson Havi iyo Sylvanus Osoro.
Maxkamadda ayaa la filayaa inay galinka dambe ee maanta go’aan ka soo saarto codsiga eedeysanayaasha.
Maxkamadda ayaa lagu wargeliyay in Mary Wambui ay iskudayday inay wadanka ka cararto hasa ahaate qareenadeeda ayaa taasi beeniyay oo xusay inay xanuun satay.
Waxay arrimahan ku soo beegmayaan saacado un ka dib markii waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da iyo maamulka canshuuraha ee KRA ay sheegeen inay si wadajir ah u wadaan howlgal lagu raadinayo agaasimayaasha shirkadda Purma Holdings.
Xalay ayay ahayd markii ay ka baxsadeen maqaaxida Weston ee magaalada Nairobi halkaasi oo saraakiisha dambi baarista ay ku sugayeen si xabsiga loogu taxaabo ka dib markii loo jaray warqaddii lagu soo xiri lahaa.
Warqadda lagu soo xiraya ayaa la soo saaray ka dib markii ay ku guul dareysteen inay iska xaadiriyaan maxkamadda qaabilsan arrimaha musuqmaasuqa si ay uga jawaabaan ilaa 8 dacwadood.
Canshuurta dhan 2.2 bilyan oo shilin ayaa laga doonayay inay bixiyaan intii u dhexeysay sanadihii 2014-2016-dii
In kastoo ay maanta maxkamadda isu dhiibeen haddana weli ma cadda sida ay labada agaasime ugu suurtagashay inay maqaaxida ka baxsadaan.