In ka badan 4 qof oo ku dhintay diyaarad ku burburtay India

0
445

Diyaarad ah nooca qummaatiga u kacda ee loo yaqaano Helikobtarka ayaa lagu soo warramayaa inay ku burburtay wadanka India iyadoo ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in shilkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof.
Diyaaradda waxaa saarnaa taliyaha ciidamada difaaca dalka India Jeneraal Bipin Rawat .
Shilka ayaa ka dhacay gobolka Tamil Nadu ee koonfurta wadankaasi.
Waxaa sidatan laga soo xigtay ciidamada cirka ee India.
Ciidamada ayaan dhanka kale sheegin in Rawat oo 63 sano jir ah uu dhaawac kasoo gaaray shilkaasi.
Warbaahinta dowladda India ayaa sheegtay in saddex qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaal, si xaaladooda loola tacaalo.
Wakaaladda wararka ee Press Trust ee India ayaa dhanka kale sheegtay in diyaaraddu ay ka soo duushay saldhigga ciidamada cirka ee dalkaasi kuna sii jeeday kulliyadda adeegga difaaca ciidanka ka hor inta aysan burburin.
Illaa hadda ma cadda waxa sababay shilkaasi, hasa yeeshee,diyaaraddaasi oo nooceedu ahaa Helicopter IAF Mi-17V5, ayaa waxa la socday taliyaha ciidamaada gaashaandhigga ee India.
Ciidamada cirka ee India ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo shilkan waxa sababay.