Maxkamadda Malaysia oo ayidday xukun lagu riday Najib Razak

0
297

Maxkamadda racfaanka ee dalka Malaysia ayaa ayidday xabsi 12 sano ah oo bishii toddobaad ee sanadkii hore lagu xukumay ra’iisul wasaarihii hore ee wadankaasi Najib Razak.
Mas’uulkan hore ayaa lagu cadeeyay dembiyo la xiriira musuqmaasuqa ka dib markii sanduuqa dowladda ee 1MDB laga dhacay malaayiin doolar.
Baaritaannada ayaa lagu ogaaday in hantida lala baxsaday ay ahayd 42 milyan oo lacagta dalkaasi ah una dhiganta 9.88 milyan oo doolar taasoo lagu keydiyay akoontiyo bangiyadeed oo gaar u ah Najib Razak.