Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in aan sanadkan maalinta qaran ee Jamhuri Day looga dabaal degi doonin ismaamullada wadanka.
Xuskan ayaa ku aaddan xilligii ay Kenya noqotay jamhuuriyad madax bannaan oo leh maamulka gudaha.
Go’aankan ayay dowladdu qaadatay ka dib wada tashiyo dhinacyo badan ah oo ay sameysay.
Kibicho ayaa hoosta ka xarriiqay in tani looga gol-leeyahay in laga hor tago faafitaanka cudurka COVID-19.
Waxaa dabbaal degga maalinta Jamhuri Day sanadkan lagu qabanayaa fagaaraha Uhuru Gardens ee magaalada Nairobi iyadoo ay ka qayb gelayaan keliya 11,000 qof.
Martida munaasabaddan ka qayb gelaysa ayaa laga billaabo Jimcada ilaa Axadda cudurka COVID-19 looga tallaali doonaa deegaanka Langata.