Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku dhintay folkaanadii saameysay wadanka Indonesia iyadoo ilaa iyo hadda la xaqiijiyay dhimashada 34 qof.
Dhacdadan ayaa sabtidii laga soo tabiyay jasiiradda Java ee wadankaasi.
Sida laga soo xigtay saraakiil maxalli ah waxaa weli socdo howlaha samata bixinta.
Madaxa waaxda samatabixinta Wayan Suyatna ayaa sheegay inay weli raadinayaan 16 qof.
Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray in ku dhawaad 3,700 oo qof laga daadgureeyay aagga ay folkaanada ku dhufatay.
Dhimashada ayaa horay ahayd 14 ka hor inta aynan sii kordhin.