Saraakiil ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegaya in madaxweynaha wadankaasi Joe Biden lagu wado inuu galinka dambe ee maanta mowqif aan lala gabban u bandhigo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin.
Mas’uuliyiintan ayuu qorshuhu yahay inay qaab muuqaal ah kulan ku yeeshaan.
In kastoo aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo uunan arrintan ka hadlin haddana waxaa la filayaa in Biden uu Putin u sheegay in haddii dowladiisa ay ku duusho Ukraine ay la kulmayso cunaqabateyn adag.