Ugu yaraan 4 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax manta laga gaystay magaalada Basra ee Koonfurta dalka Ciraaq.
Ilo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka iyo caafimaadka ayaa sheegay in 20 qof oo kale ay dhaawacmeen.
Militariga Ciraaq ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday mooto lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq ka dhashay dhacdadaasi oo cirka isku shareeray.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa in kastoo ay falal amni darro gudaha wadankaasi horay uga gaysatay kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.