Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in siyaasiyiinta xisbiga Jubilee ay ka soo qayb geli doonaan kulanka uu maalinka Jimcada 10-ka bishan ku caddeynaya mowqifkiisa ku aaddan doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Mr. Odinga ayaa shalay magaaladatani Nairobi shir kula qaatay xubno sare oo ka tirsan maamulka talada haya ee Jubilee.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa tilmaamay in shirka oo lagu qabanaya fagaaraha wayn ee Kasarani uu muujin doono midnimada kenyaanka maadaama ay xaadir ku ahaanayaan siyaasiyiin ka tirsan xisbiyo kala duwan.
Raila ayaa in muddo ah waday ololaha mideynta buslahada ee Azimio la umoja ka hor inta uunan Jimcada shaacin inuu sanadka 2022-ka musharraxiinta madaxweynenimo ka mid yahay iyo in kale.