Kenya oo heshay in ka badan 4.6 milyan oo ah tallaalka COVID19

0
239

Waxaa dalkani Kenya la soo gaarsiiyay ugu yaraan 4.6 milyan oo ah dawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19.
Dawooyinkan oo ah nooca Johnson and Johnson ayaa xalay wadanka la keenay si sare loogu qaado tallaalka lagula tacaalaya caabuqa corona.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 4.3 milyan oo dawooyinka ka mid ah ay ka heshay dowladda Jarmalka halka Argentina ay Kenya ugu deeqday 400,000 oo kuuro oo ah nooca Oxford Astrazeneca.
Tirada guud ee dawooyinka tallaalka corona ee ilaa iyo hadda ay Kenya la soo wareegtay ayaa gaaraya 18 milyan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dhammaadka bishan fayraska corona laga tallaalo ugu yaraan 10 milyan oo qof iyadoo dadka qaatay tallaalka ay tiradoodu ka hooseyso 8 milyan oo qof.