Booliska Suudaan oo sunta dadka ka ilmaysiisa ku kala eryay dad dibadbaxayay

0
351

Ciidamada ammaanka dowladda Suudaan ayaa lagu soo warramayaa inay maanta sunta dadka ka ilmaysiisa ku kala eryeen boqolaal dibadbaxayaal ah oo ku sugnaa caasimada wadankaas ee Khartoum kuwaasoo diidanaa inqilaabkii ay milatarigu ku sameeyeen xukuumadii rayidka ahayd.
Dibadbaxayaasha oo ka kala yimid degmooyinka caasimada ayaa ku dhawaaqayay “No to military rule oo la micno ah maya xukunka milatariga.
Banaanbaxayaasha ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyay waddooyinka ka samaystay dhufayso waxayna waddooyinka dhigeen dhagxaan iyo taayaro gubanaya iyadoo magaala madaxda Suudaan qiiq madow uu cirka isku shareeray.
Taliyaha ugu sarreeya ciidamada inqilaabka hoggaaminaya ee Suudaan Cabdel Fattaax al-Burhan oo awoodda ka faramaroojiyay xukuumaddii ra’iisul wasaare Cabdalla Xamdok 25-kii Oktoobar ayaa kadib canbaarayn caalami ah iyo banaanbaxyo waaweyn wuxuu dib u saxiixay heshiis 21-kii bishii hore xukunka lagu wareejinayo xukuumada rayidka ah.
Dadka u ololeeya dimuqraadiyadda ayaa wacad ku maray inay sii wadayaan dibadbaxayaasha lagu diiddan yahay xukunka milatariga.