Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Ismaamullada dalka oo helaya in ka badan 400 oo bilyan

Ismaamullada dalka oo helaya in ka badan 400 oo bilyan

Dowladaha ismaamullada ee dalka ayaa la filayaa in miisaaniyad sanadeedkan ay helaan dhaqaale dhan 409 bilyan oo shilin ka dib heshiis la gaaray.
Ismaamullada wadanka ayaa miisaaniyad sanadeedkii hore ay dowladda dhexe siisay 369.9 bilyan.
Hasa ahaate golaha qaran ee xeer dejinta ayaa laga doonayaa in uu qorshahan ansaxiyo.
Tani ayaa timid ka dib kulan uu yeeshay golaha miisaaniyadda iyo dhaqaalaha ee ismaamullada iyo dowladda dhexe ee (IBEC).
Waxaa shirka guddoominayay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyadoo ay ka qayb galeen wasiirka wasaaradda maaliyadda Ukur Yatani, guddoomiyaha guddiga qoondeynta dakhliga ee CRA Jane Kiringai,maareeyaha miisaaniyadda dowladda Margaret Nyakang’o, xoghayaha wasaaradda dowlad wadaajinta Charles Sunkuli iyo dhammaan wasiirada maaliyadda ee ismaamullada.
Waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in ismaamullada ay qaadan karaan amaah lacageed oo dhan 60 bilyan si ay ugu adeegsadaan gaabadka ka jiro bixinta qarashaadka dhanka horumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments