Adama Barrow oo mar kale loo doortay madaxweynaha Gambia

0
432

Adama Barrow ayaa markii labaad loo doortay madaxweynaha dalka Gambia iyadoo kumanaan taageereyashiisa ay u dabbaal dageen guushiisa, halka mucaaradka ay muran ka keeneen natiijada doorashadii Sabtidi dhacday.
Hoggaamiyaha haatan talada wadankaasi haaya Adama Barrow ayaa helay 53 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka ee Gambia galinkii dambe ee shalay.
Musharraxii la tartamayay ee Ousainou Darboe ayaa helay 27.7 boqolkiiba codadkii laga dhiibtay doorashada.
Ka hor inta aan natiijada si buuxda loogu dhawaaqin, saddex ka mid ah musharraxiintii la tartamayay Mr. Barrow ayaa diiday qaybo ka mid natiijada codbixinta.
Codeynta Sabtidii dhacday ayaa ah midii ugu horreysay ee ka qabsoonto Gambia tan iyo markii uu bishii koowaad ee sanadkii 2017-kii wadankaasi ka cararay madaxweyne Yaxya Jammeh oo hoggaanka hayay 22 sano laga soo billaabo 1994-tii oo uu talada qaab afgembi ah kula wareegay.