Shacabka Nairobi oo loogu baaqay in ay qaataan kaarka Huduma

0
889

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa dadweynaha ku nool caasimadda dalka ee Nairobi ka codsaday in marka ay farriin wargelin ah helaan ay raadsadaan kaarka Huduma.
Kaarkan ayaa ah mid fududeynaya helidda adeegyada ay dowladdu u fidiso shacabka.
Waxaa uu sheegay in ilaa 2.2 milyan oo qof loo diray farriimo wargelin ah balse 300,000 oo keliya ay ilaa iyo hadda qaateen kaararkooda.