Ugu yaraan 20 dowladood oo Taalibaan ku dhaliilay dilal wadar ah oo ay fulisay

0
292

Midowga Yurub, Maraykanka iyo dowlado kale oo 20 gaaraya ayaa cambaareeyay dilal wadar ah oo ay gaysatay kooxda Taalibaan.
Kooxdan oo bartamihii bishii sideedaad ee sanadkan la wareegtay xukunka dalka Afghanistan ayaa lagu eedeyay inay dishay saraakiil horay uga tirsanaa ciidamada booliska iyo sirdoonka.
Bayaankan lagu dhaliilay falalka Taalibaan ayaa ku soo beegmay ka dib markii hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch soo saartay warbixin arrinkan ku aaddan.
Waxay hay’addu warbixinteeda ku xustay in la diiwaangeliyay dilal ama ugu yaraan 47 sarkaal oo la waayay.
Ciidamadan ayaa horay uga tirsanaa waaxyaha qaran ee amniga dalka Afghanistan.
Dowladaha cambaareynta soo saaray ayaa sheegay inay aad uga walacsan yihiin falalka ay ku kacday kooxda Taalibaan sidaas awgeedna la doonayo in si wayn looga falceliyo.